Kenyaanka amaahda ka qaatay Hustler Fund oo dib u bixiyay 321 milyan

0
358

Wasaaradda horumarinta iskaashatooyinka iyo ganacsiyada yaryar ee dalka ayaa sheegtay in dib loogu soo celiyay lacag dhan 321 milyan oo shilin oo laga deynsaday sanduuqa Hustler Fund.
Sanduuqan oo ay dowladda dhexe ugu talagalay inay ganacsatada yaryar uga taageerto dhinaca dhaqaalaha ayaa ilaa iyo hadda bixiyay 35 bilyan oo shilin.
Tirada dadka iska diiwaangeliyay barnaamijkan ayaa gaaraysa 12.62 milyan oo qof.
Qofka ayaa amaahda ku qaadanaya lacag dulsaar oo sanadkiiba ah boqolkiiba 8.