Kenyaan doonaya in qofka looga guulaysto madaxtinnimada xil laga siiyo baarlamaanka

0
350

Mid ka mid ah codbixiyeyaasha dalka oo lagu magacaabo Nyongesa Makhanu ayaa soo jeediyay in isbeddel lagu sameeyo dastuurka wadanka .
Waxyaabaha uu doonaya in la tixgeliyo waxaa ka mid ah in musharraxa loolanka madaxtinnimo ka soo galo nambarka labaad in fursad u helo ku biiridda baarlamaanka.
Sidoo kale waxaa uu ku taliyay in ku xigeenka musharraxan uu ku biiro aqalka sare.
Makhanu ayaa guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee (IEBC) ka codsaday inuu u oggolaado soo uruurinta hal milyan oo saxiixyo ah si isbeddelkan dastuuriga ah loo sameeyo.
Waxaa uu Makhanu, ku doodaya in dastuurka dalka u degsan ee la soo saaray sanadkii 2010-kii uu caqabad yahay marka la eego in uunan kenyaanka fursad u siin baarlamaan wax ku ool ah oo la xisaabtami karo golaha fulinta.
Sidoo kale muwaadinkan ayaa soo jeedinaya in madaxweynaha la doonayo inuu qowmiyad saddexaad ka soo jeedo oo aynan isku qowmiyad ahaan midka howlgab noqonaya ama midkii ka sii horreeyay.
Makhanu waxaa uu intaasi ku daray in loo baahan yahay in doorashada guud ee dalka ay shanti sanaba dhacdo Talaadada saddexaad ee bisha 12-aad ee Diseembar.
Waxaa uu ku doodaya in codeynta guud ee la qabto Talaadada labaad ee bisha Siddeedaad ay saameyn aan wanaagsanayn ku leedahay howlaha qaran ee dhaqaale.
Makhanu waxaa dhanka kale doonaya in 47-da ismaamul ee ay Kenya ka kooban tahay laga dhigo 9 qowmiyadood iyadoo la tixgelinaya isku dhawaanshaha gobollada , luuqadaha iyo taageerada siyaasadeed.
Iskudaygii ugu dambeeyay ee ahaa in la beddelo dastuurka wadanka ayaa loo marayay qorshihii BBI ee ay hor kacayeen madaxweynihi hore Uhuru Kenyatta iyo madaxa isbeheysiga Azimio ,Raila Odinga kaasoo ay maxkamadda ugu sarreysa wadanka ee Supreme Court ay 31-dii bishii Saddexaad sanadkan ay ku tilmaantay mid sharci darro ah.