Kenya Power oo warbixin soo saartay

0
323

Shirkadda korontada dalka ee Kenya Power ayaa ka codsatay in dhammaan macaamiisha isticmaala biilasha korontadda si ay u dalbadaan warbixinta qiimaha dakhliga canshuurta ee (VAT) in ay u cusbooneysiiyaan diiwaankooda.
Warbixin lagu soo bandhigay daabacaadda dowladda ee MyGov maanta oo Talaada ah ayay Kenya Power ka codsatay macaamiisha inay soo gudbiyaan nuqullo ay ka mid yihiin lambarradooda khaaska ah ee loo yaqaano PIN ee maamulka canshuurta ee KRA-da, kaarka aqoonsiga qaran, shahaadooyinka shirakadaha iyo dokumeentiyada kale ee diiwaangelinta sharciga ah.
Macluumaadka kale ee macaamiisha u baahan yihiin inay la wadaagaan Kenya Power ayaa ah cinwaanka email-ka, lambarka taleefanka iyo cinwaanka boostada.
Dukumeentiyadan ayaa laga rabaa macaamiisha in ay u gudbiyaan injineerka adeegyada ganacsiga ee ismaamullada oo ku yaalla xafiiska shirkadda korantada ee ugu dhow.