Kenya Power oo sheegtay in qaybo ka mid ah wadanka ay korontada ka maqan tahay

0
332

Waxaa qaybo dalka ka mid ah soo wajahday koronto la’aan.
Shirkadda adeegga korontada ee dalka ayaa soo saartay bayaan ay ku sheegtay in cilad ay ku timid nidaamka korontada.
Kenya Power ayaa intaasi ku dartay in shaqaalaheeda ay ku howlan yihiin xallinta arrintan, islamarkaana ay ku dadaalayaan sidii ay korontada ay dib ugu soo celin lahaayeen goobahan.
Shirkadda adeegga korontada ee dalka ayaa ugu dambeyn sheegtay in warbixin ku saabsan horumarka soo celinta korontada ay dib ka soo sheegi doonaan.