Waxaa maanta qaybo badan oo dalka ka mid ah soo wajahday koronto la’aan.
Shirkadda adeegga korontada ee dalka ayaa soo saartay bayaan ay ku sheegtay in cilad ay ku timid nidaamka korontada.
Waxaa sidoo kale bayaanka ku cad in abaare 11:09 ee barqanimo ee maanta ay adeegi korontada waayeen shacabka ku nool Nairobi, ismaamullada ku yaalla gobollada Xeebta iyo bartamaha wadanka.
Kenya Power ayaa intaasi ku dartay in shaqaalaheeda ay ku howlan yihiin xallinta arrintan, islamarkaana ay ku dadaalayaan sidii ay korontada ay dib ugu soo celin lahaayeen goobahan.
Shirkadda adeegga korontada ee dalka ayaa ugu dambeyn sheegtay in warbixin ku saabsan horumarka soo celinta korontada ay dib ka soo sheegi doonaan.
— The Kenya Power & Lighting Company Plc. (@KenyaPower) November 2, 2022