Kenya power oo sheegtay in la xalliyay cilladii koronto ee xalay

0
260

Shirkadda korontada dalka ee (KPLC) ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in dib loo soo celiyay adeegga korontada ee guud ahaan wadanka oo ay xalay cillad ku timid.
Bayaanka shirkadda waxaa ku cad in caqabaddan oo meelo badan saameysay in hadda laga gudbay.
KPLC ayaa dhibaatada dhacday u aaneysay culeys ku yimid hannaanka qaybinta adeegga korontada.