Kenya Power oo shaacisay in maanta qaybo badan oo dalka ka mid ah ay korontada ka maqnaani doonto

0
423

Shirkadda Korontada ee Kenya Power ayaa ku dhawaaqday in qaybo ka mid ah dalkaa ay maanta oo Talaado koronoto la’aan noqoni doonaan sababo la xiriira dayactir la qorsheeyay.
War qoraal ah oo ay soo saartay shirkadda korontada ayaa sheegtay in carqaladdu ay bilaaban doonto 9:00 subaxnimo ilaa 5:00 galabnimo.
Ismaamulka Nairobi ayaa xaafadaha Githurai 45 iyo Nairobi West ay saameyn doontaa koronta la’aanta iyadhoo ismaamullada Nandi, Kisumu, Bungoma, Nyeri, Laikipia iyo Kilifi ay la kulmi doonaan maqnaansho la mid ah.
Arrintan ayaa ku soo aadeysa iyadoo roobab mahiigaan ah ay ka da’een inta badan gobollada dalka, kuwaasi oo saameyn ku yeeshay isu socodka waddooyinka waaweyn ee magaalada Nairobi.