Shirkadda korontada dalka ee Kenya Power ayaa sheegtay inuu jiro qorsho ku aaddan in gudaha wadanka ay ka howlgalaan baabuur ku shaqeeya koronto.
Waxaa arrintan shaaca ka qaadday sii hayaha xilka agaasimaha guud ee shirkadda Rosemary Oduor.
Haweeneydan ayaa xustay inay ka baaran degayaan sidii fursad ay ku shaqeystaan loo siin lahaa dadka jecel inay soo iibsadaan gawaarida noocan ah.
Waxay hoosta ka xarriiqday in hal abuurka Kenya Power uunan ku koobnaan doonin keliya baabuurta.
Rosemary Oduor ayaa tilmaantay in baabuurta korontada ku shaqeeya ay noqdeen kuwo qiimo ahaan la awoodo sidaas awgeedna aynan doonayn in Kenya ay ka harto ka faa’iidaysiga fursaddan.
Bishii saddexaad ee sanadkii hore ayay ahayd markii ay shirkadda korontada ee Kenya Power iskaashi la sameysay barnaamijka deegaanka ee qaramada midoobay ee (UNEP) oo si tijaabo ah loogu soo bandhigay mootooyin koronto isticmaala.