Kenya oo xoojinaysa xiriirka kala dhexeeya saaxiibbada dhanka horumarka

0
246

Madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua ayaa sheegay in Kenya ay doonaysa in ay sare u sii qaado xiriirka ay la leedahay saaxiibbadeeda dhanka horumarka.
Waxaa uu xusay in si tani looga dhabeeyo ay ku heshiiyeen in la soo dhiso guddi dardargelinaya in la helo deeqaha lacageed ee loo qoondeeyay barnaamijyo kala duwan.
Sidoo kale saaxiibbada Kenya ayaa door ka qaadan doono in la xoojiyo adkeysiga ka dhanka ah saameynta isbeddelka cimillada iyo caqabadaha kale ee ku hor gudban kobaca dhaqan-dhaqaale ee wadanka.
Rigathi Gachagua ayaa laga soo xigtay in meesha laga saaray waxyaabihii adkeynayay la macaamilka deeq bixiyeyaasha.
Arrintan ayuu ka hadlay xilli uu hooygiisa rasmiga ah ee xaafadda Karen ee ismaamulka Nairobi uu ku marti geliyay madasha labaad ee iskaashiga horumarineed.
Waxaa kulanka ka qayb galay mas’uuliyiin ay ka mid yihiin madaxa waaxda adeegga dadweynaha ee dalka Felix Koskei, wasiirro , safiirro , saraakiil dowladeed oo sare iyo wakillada maamullo kala duwan.