Kenya oo xoojinaysa iskaashiga kala dhexeya FAO

0
211

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in Kenya ay sare u qaadi doonto wada shaqeynta kala dhexeysa hay’adda cunnada iyo beeraha adduunka ee FAO.
Arrintan ayuu sheegay xilli uu shalay xarunta madaxtooyada ee State House ee magaalada Nairobi kulan kula yeeshay agaasimaha guud ee hay’adda FAO, Qu Dongyu .
Ruto ayaa sheegay inay fahansan yihiin doorka muhiimka ah ee ay hay’addan ka qaadato sare u qaadidda wax soo saarka beeraha dalka iyadoo ay jirto cunno yari baahsan.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in dowladda dhexe ay ka go’an yahay inay xoojiso iskaashiga ay la leedahay FAO si loo soo saaro cunno qof kasta ku filan.
Hoggaamiyaha dalka ayaa xusay in tani ay tahay sida lagu cirib tiri karo baahida lagulana tacaali karo nafaqo darrada ka jirta wadanka.
William Ruto ayaa qoraal ku sheegay inuu dhanka kale bogaadiyay taageerada hay’adda cunnada iyo beeraha ee istaraatiijiyadda xakameynta cayayaanka ee (2022 – 2027).
Madaxweynaha ayaa dhanka kale hay’adda ka codsaday inay ballaariso taageerada farsamo iyo maaliyadeed ee ay ku bixinaysa dadaallada ay dowladdu kula tacaalaysa xaaladda cunno yarida ee taagan.
Waxaa uu sheegay inuu caddeynaya in dowladda Kenya ay diyaar u tahay xaqiijinta helitaanka cunnada, sinnaanta jinsiyadeed, awoodsiinta haweenka iyo gabdhaha.
Kulanka shalay waxaa sidoo kale ka qayb galay madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua iyo wasiirka wasaaradda beeraha Mithika Linturi .
Kenya iyo hay’adda cunnada iyo beeraha adduunka ee FAO ayaa iska kaashan doono wax ka qabashada saameynta Ayaxa, maamulka dhulalka , ganacsiga la xiriira wax soo saarka quudka xoolaha iyo sare u qaadidda u adkeysiga dhibaatooyinka.
Agaasimaha guud ee hay’adda FAO ,Qu Dongyu ayaa Kenya ku yimid booqasho qaadanaysa saddex maalmood.
Waxaa uu ku baaqay in diiradda la saaro dhaqaalaha sanadkiiba ka soo galo beeralayda iibinta dalagga si noloshooda wax looga beddelo.
Sidoo kale waxaa uu ku taliyay tababaridda beeralayda , fududeynta suuqyada iyo tiknolojiyad casri oo loo adeegsado arrimaha beeraha.