Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in dowladda Kenya ay aad uga walacsan tahay weerarka ay Iiraan ku bartilmaameedsatay Israa’iil.
Waxaa uu sheegay in arrinta soo korortay ay sii ballaarinaysa xiisadda ka taagan Bariga Dhexe.
Ruto ayaa weerarkaasi ku sheegay mid halis ku ah nabadgalyada iyo ammaanka caalamka.
Waxaa uu xusay in dowladda Kenya ay Israa’iil ku boorrinaysa in ay aad isku xakameyso iyadoo tixgelinaysa baahida ay dhamaan dhinacyada kala duwan u qabaan in laga fogaado burbur sida uu qoraalka u dhigay ay adkaan karto in laga soo kabto.