Kenya oo u codeysay kordhinta muddada howlgalka qaramada midoobay ee Suudaanta Koonfureed

0
395

Dowladda Kenya ayaa codkeeda ku taageertay qaraar uu ka doodayay golaha ammaanka ee qaramada midoobay oo ku saabsanaa kordhinta muddada howlgalka nabad sugidda ee qaramada midoobay ee gudaha Suudaanta Koonfureed.
Qaraarka lagu cusbooneysiiyay qandaraaska howlgalka amni ee UNMISS ayuu tirsigiisu yahay 2625 (2022).
Waxay tani micnaheedu tahay in ciidamada qaramada midoobay ay Suudaanta Koonfureed ka sii shaqeyn doonaan ilaa 15-ka bisha Saddexaad ee sanadka 2023-ka.
Howlgalka ayaa gacan ka gaysan doono ka hor tagga in dalkaasi uu mar kale ka dhaco dagaal sokeeye.
Sidoo kale waxaa uu ka shaqeyn doonaa sidii ay nabad galyo uga jiri lahayd heer gobol iyo heer qaran labaduba.