Kenya oo u baahan 995 bilyan si dhammaan dadweynaha ay biyo u helaan 2030-ka

0
174

Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda biyaha iyo maareynta wasaqda ee dalka Julius Korir ayaa sheegay in si dhammaan dadweynaha ay biyo ku filan u helaan marka la gaaro sanadka 2030-ka , in dowladdu ay u baahan tahay miisaaniyad dhaqaale oo gaaraysa 995 bilyan oo shilin.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay inay ku dadaalayaan sidii qoys waliba uu u heli lahaa biyo nadiif ah.
Xoghayaha ayaa xusay in dowladda dhexe ay xoogga saaraysa ka faa’iidaysiga kheyraadka la heli karo iyo iskaashiyada lala yeelanaya waaxyaha gaarka ah si dhaqaaahan loo uruuriyo.
Waxaa uu tilmaamay in dowladda dhexe iyo ismaamullada la filaya inay buuxiyaan boqolkiiba 11 ee miisaaniyaddan taasi oo u dhiganta 105 bilyan oo shilin.