Waxaa laga billaabo maalinka Khamiista ee toddobaadkan magaalada Nairobi ka furmaya shir ay Kenya marti gelinaysa oo ay ka qayb gelayaan 15 madaxweyne iyo 50 ka mid ah wasiirrada arrimaha dibadda ee qaaradda Afrika.
Kulankan oo loo yaqaano (MYCM) ayaa socon doono ilaa Axadda.
Waxaa sidatan xaqiijiyay wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo qurbajoogta ee dalka Dr. Alfred Mutua.
Kulankan oo soo billowday sanadkii 2017-kii ayaa ah mid isku dubarido howlaha dhaqaale iyo isdhexgalka qaaradda Afrika.




