Kenya oo Sweden ka heshay taageero dhanka beeraha ah

0
271

Dowladda Kenya ayaa Sweden ka heshay taageero dhanka beeraha ah oo qiimo ahaan dhan 5.2 milyan oo doolar.
Waxaa arrinkan shaaca ka qaaday wasiirka wasaaradda beeraha iyo xannaaneynta xoolaha Mithika Linturi.
Dhaqaalahan ayaa loo adeegsan doonaa in lagu sii xoojiyo hannaanka ay dowladda dhexe ku maareynayso macluumaadka beeraha ee (KIAMIS).
Mithika Linturi ayaa xusay in barnaamijkan uu kaalin wayn ka qaadan doono casriyeynta adeegyada beeraha , maareynta lacagaha , adeegyada qalabka iyo keydinta macluumaadka la xiriira helidda cunno.
Safiirka dowladda Sweden ku matasha Kenya ,Caroline Vicini ayaa dhankeeda sheegtay inay sii wadi doonaan dadaallada ay wadanka uga caawinayaan inuu sare u qaado wax soo saarka beeraha iyo warshadaha si loo helo isku filnaansho dhanka cunnada ah.