Kenya oo soo dhaweysay isdhexgal loo sameynaya qaxootiga

0
397

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa soo dhaweeyay tallaabo ay hay’adda UNHCR ku xoojinaysa isdhexgalka ka dhexeya qaxootiga iyo dadka deegaanka ee marti geliyay.
Tallaabadan ayaa horseedi doonto in UNHCR ay qaxootiga ka soo saarto xeryaha oo la dejiyo meelo ay ku shaqeysan karaan si ay dakhli gaar u ah u helaan.
William Ruto waxaa uu carrabka ku adkeeyay in dowladda Kenya ay sii wadi doonto taageerada ay siiso dadka qaxootiga ah .
Hasa ahaate waxaa uu beesha caalamka ugu baaqay inay kaalin ka qaadato fududeynta culeyska jira.
William Ruto oo wada hadal la yeeshay wakiilka sare ee hay’adda qaramada midoobay u qabilsan arrimaha qaxootiga ee UNHCR Filippo Grandi ayaa sheegay in Kenya ay sanado badan la macaamileysay qaxootiga sidaasi awgeedna hay’adda iyo beesha caalamka ay ku tashan karaan.