Kenya oo soo dhaweysay isbeddel lagu sameeyay howlgalka Haiti

0
663

Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka ayaa soo dhaweysay qorsho looga gudbaya howlgalka nabad sugidda dalka Haiti ee (MSS) oo ay hoggaaminayeen ciidamada Kenya laguna wareejinaya Ciidamada Caburinta Burcadda ee (GSF).
Waxaa kala –guurkan ansixiyay golaha ammaanka ee qaramada midoobay ee UNSC.
Howlgalka cusub ee GSF ayaa ka koobnaan doono ugu badnaan 5,500 ah saraakiil isugu jiro booliis iyo militari waxayna shaqeyn doonaan 12 bilood haddii aan muddada loo kordhin.
Wasaaradda ayaa bayaan ay maanta soo saartay ku sheegtay in isbeddelkan uu door wayn ka qaadan doono dib u soo celinta nabadgalyada iyo xasilloonida dalka Haiti.