Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa qoraal uu soo saaray waxaa uu soo dhaweeyay qorshaha uu Midowga Afrika ee AU-da uga mid noqonaya dalladda 20-ka waddan ee caalamka ugu horreeya dhanka dhaqaalaha ee G20.
Tani ayuu xusay inay sare u qaadi doonto codka qaaradda Afrika, saameynta ay caalamka ku leedahay iyo in la helo madal lagu horumarin karo danaha ka dhexeya shacabka qaaradda ku nool.
William Ruto ayaa intaasi ku daray in tani ay dhanka kale waafaqsan tahay qaraarradii ka soo baxay shirkii isbeddelka cimillada ee 6-dii bishan lagu soo gabagabeeyay magaalada Nairobi.
Waxaa qodobbadaasi ka mid ahaa in isbeddel lagu sameeyo hay’adaha maaliyadeed ee caalamiga ah iyo bangiyada horumarka.
Shalay ayay ahayd markii Ra’iisul Wasaaraha dalka India
Narendra Modi uu shaaciyay in Midowga Afrika ay G20 ka noqon doonto xubin joogto ah.
Kenya welcomes the addition of the African Union — the fastest growing continent in the world — to the G20. This will increase the voice of Africa, visibility, and influence on the global stage and provide a platform to advance the common interest of our people.
This fits… pic.twitter.com/LKspEIAU9v
— William Samoei Ruto, PhD (@WilliamsRuto) September 9, 2023