Xoghayaha wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Korir Sing’oei ayaa soo dhaweeyay go’aan ka soo baxay boqortooyada Sacuudi Carabiya.
Tani ayaa timid ka dib markii ay xukuumadda Riyadh oggolaatay codsi uga yimid Kenya .
Waxay Sacuudi Carabiya dib u dhigtay xukun dil ah oo lagu waday in berri lagu fuliyo muwaadin kenyaan ah oo lagu magacaabo Stephen Bertrand Munyakho.
Waxaa uu muddo ku jiraa xabsiga Shimeisi ee Makkah.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in Munyakho oo loo bixiyay magaca ah Cabdulkariim uu 13 sano ku jiray xabsiyada boqortooyada Sacuudi Carabiya.
Korir Sing’oei ayaa maanta sheegay in aan Arbacada dil lagu fulin doonin maadaama ay weli labada dowladood wada hadallo u socdaan.
Qoraal uu soo saaray ayuu boqortooyada Sacuudi Carabiya uga mahadceliyay in ay qorshaheedi dib u dhigtay.
Waxaa uu xusay in ay kaashan doonaan daneeyayaal ku kala sugan Nairobi iyo Riyadh oo ay ka mid yihiin culimaaudiin si arrintan xal looga gaaro.
Munyakho oo 37 sano jir ah kana shaqeynayay Sacuudi Carabiya ayaa dilka lagu xukumay ka dib markii saaxibkii oo ay dagaallameen bishii Afaraad ee sanadkii 2011-kii uu u geeriyooday dhaawacyo ka soo gaaray isku dhaca.