Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in Kenya ay ciidamadeeda difaaca gayn doonto jamhuuriyadda Congo ee DRC ay si qayb uga noqdaan xasilinta wadankaasi.
Waxaa uu gaashaanka u daruuray in haddii ciidamada KDF-ta la geeyo DRC ay dalka saameyn ka soo gaari karto.
Waxaa uu Ruto hoosta ka xarriiqay in dowladda Kenya ay xubin ka tahay jaaliyadda bariga Afrika ee EAC sidaas awgeedna ay qaadan doonto kaalinteeda amni ee kaga aaddan Congo.
William Ruto ayaa intaasi ku daray in dhammaan xubnaha EAC ay ku heshiiyeen inay ciidamo ku biiriyaan 12,000 oo loo baahan yahay si qaramada midoobay ay u soo afjarto dagaalka ay wadaan fallaagada M23.