Dowladda dhexe ee Kenya ayaa xaqiijisay in wadanka uu haysto keyd ku filan oo shidaal ah.
Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda batroolka iyo macdanta ee wadanka Andrew Kamau ayaa bayaan ku sheegay in shidaalka noocyada petrol, diesel iyo kerosene ee yaalla uu ku filan yahay wax ka qabashada baahiyaha jira.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in keydka ay hadda Kenya haysato uu yaahay 81,000 cubic meters.
Waxaa uu xoghayuhu intaasi ku daray in bil gudaheeda la rajeynaya in wadanka la soo gaarsiiyo 351,284 cubic meters oo batrool ah iyo 310, 656 cubic meters oo diesel ah.