Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay daneynaysa sare u qaadidda iskaashiga ganacsi ee ay la leedahay Canada.
Waxaa arrinkan xaqiijiyay madaxa wasiirrada ee wadanka ahna wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo qurba joogta Musalia Mudavadi oo matalayay madaxweynaha dalka William Ruto.
Mudavadi ayaa magaalada Nairobi uga qayb galay madasha labaad ee ganacsiga Afrika iyo Canada.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in ay lagama maarmaan tahay in labada waddan ay xoojiyaan xiriirkooda iyadoo la raadinaya fursado dheeraad ah.
Mudavadi ayaa xusay in Kenya uu ka jiro jawi ku wanaagsan ganacsiga maamulka talada hayana uu tani taageeraya.