Waxaa uu qorshuhu yahay in horraanta sanadka nagu soo aaddan ee 2024-ka , ay dowladda dalkani Kenya la wareegto agab casri ah oo loogu tala galay xoojinta ammaanka.
Laanta qaabilsan ka hor tagga argagixisannimada ee CTP ayaa shaacisay in qiimaha lacageed ee qalabkan uu yahay 7 bilyan oo shilin.
Agabkan waxaa ka mid ah baabuurta la is kaga difaaco miinooyinka iyo weerarrada gaadmada ah ee (MRAP),gaadiidka gaashaaman iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee kormeerka amni.
Qorshaha dowladda dhexe ayaa ah in muddo 5 sano gudaheeda ah ay lacag dhan 37 bilyan oo shilin ku qarash geliso casriyeynta qalabka iyo tiknolojiyadda amni ee dalka.
Qalabkan ayaa lagula tacaali doonaa falalka argagixisannimo iyo burcadnimo ee saameeyay meelo ay ka mid yihiin Waqooyiga dalka , Rift Valley iyo Lamu.