Kenya oo sanad kasta 700,000 oo lo’ ah u dhoofin doonto Indonesia

0
280

Waxaa sanadkan billaabanaya qorsho ay Kenya sanad waliba dalka Indonesia ugu iibgeyn doonto 700,000 neef oo lo’ ah.
Tani ayaa qayb ka ah heshiis ay gaareen wasiirka wasaaradda ganacsiga ee dalka Moses Kuria iyo Agaasimaha guud ee Indonesia u qaabilsan wax soo saarka iyo badbaqabka xoolaha Ir Nasrullah.
Moses Kuria oo hoggaaminayay wafdi ka socdo Kenya ayaa kulamo la qaatay ganacsatada Indonesia waxayna ku heshiiyeen in marka la gaaro bisha Siddeedaad xoolahan la geeyo wadankaasi.
Kuria ayaa qoraal ku sheegay inay isku afgarteen in meesha laga saaro xadidaadaha jira si bisha August ay Kenya Indonesia ugu dhoofiso 20,000 neef oo lo’ ah.
Moses Kuria ayaa sidoo kale la kulmay dhigiisa Indonesia Luhut Binsar Pandjaitan waxayna ka wada hadleen arrimaha ganacsiga , iskaashiga maalgashi, kobcinta dhaqaalaha iyo istaraatiijiyooyinka horumarka waara.