Kenya oo Ruushka ku cadaadinaysa inay si aan caqabad lahayn u gaarto muwaadiniinteeda ku go’doonsan dagaalka Ukraine

0
112

Kenya ayaa ku baaqday helitaanka adeegga qunsuliyadda oo aan caqabad lahayn oo loo fidiyo muwaadiniinteeda ku dhex milmay dagaalka Ruushka iyo Ukraine, waxayna dalbatay nidaam cad oo hufan oo lagu soo celinayo maxaabiista dagaalka iyo meydka dadka ku dhintay colaaddaas.
Bayaan soo baxay maalintii Jimcaha, ayuu Xoghayaha Wasaarada Arrimaha Dibadda, Korir Sing’Oei, ku sheegay inuu arrintan horgaystay Safiirka Ruushka u fadhiya Kenya, Vsevolod Tkachenko, xilli ay jirto walaac isa soo taraya oo ku aaddan wararka sheegaya in dad Kenyan ah la qortay ama ay ka qayb qaadanayaan dagaalka.
Sing’Oei ayaa carrabka ku adkeeyay in mudnaanta koowaad ee Kenya ay tahay badbaadada iyo karaamada muwaadin kasta oo Kenyan ah oo dibadda jooga, wuxuuna soo dhoweeyay iskaashiga Safaaradda Ruushka ee looga hortagayo qorista sharci-darrada ah ee muwaadiniinta Kenya.
Kulankan ayaa dhacaya ka hor booqasho rasmi ah oo uu Wasiirka Arrimaha Dibadda ku tagi doono magaalada Moscow bisha Maarso, halkaas oo la filayo in xiriirka laba-geesoodka ah iyo walaacyada dhinaca amniga ee soo kordhay ay si weyn uga dhex muuqdaan.
Xiriirkan diblomaasiyadeed wuxuu daba socdaa bayaan ay Khamiistii soo saartay Safaaradda Ruushka ee Nairobi, taas oo ku gacan seertay eedeymaha sheegaya inay qoratay muwaadiniin Kenyan ah si ay ugu dagaallamaan Ukraine.
Safaaradda ayaa sheegashooyinkaas ku tilmaamtay marin-habaabin ah, waxayna muujisay walaac ku saabsan wax ay ugu yeertay macluumaad khaldan oo ku dhex wareegaya warbaahinta iyo fagaarayaasha dadweynaha Kenya.
Waxa kale oo ay muujisay inay diyaar u tahay inay gasho wadahadal wax dhisaya oo aan siyaasadaysnayn oo ay la yeelato mas’uuliyiinta Kenya, waxayna ku baaqday in la dardargeliyo gabagabada heshiisyada laba-geesoodka ah ee ku saabsan shaqaalaha soogalootiga ah, socdaalka, iyo iskaashiga amniga.