Kenya oo qunsuliyadd guud ka furanaysa dalka Haiti

0
378

Golaha Wasiirada ee dalka ayaa ansixiyay in la dhiso Qunsuliyadda Guud ee magaalada Port-au-Prince ee dalka Haiti, si ay u taageerto howlgallada nabad ilaalinta iyo diblomaasiyadeed ee dalalka Caribbean-ka.
Shirka Golaha Wasiirada oo uu shir guddoominayay Madaxweyne William Ruto ayaa lagu sheegay in qunsuliyada ay taageero istiraatijiyadeed siin doonto doorka hoggaanka Kenya ee gacan ka geysanaya soo celinta nidaamka Haiti.
Ergada Diblomaasiyadeed waxaa hogaamin doona Ku Xigeenkii hore ee taliyaha Guud ee Booliska Nuur Gaabow, kaas oo magacaabistiisa ay ansixiyeen aqalka Baarlamaanka ee bishii Janaayo.
In ka badan 600 oo sarkaal oo Kenyan ah ayaa hore u joogay Haiti kuwaas oo qayb ka ah ciidamo caalami ah oo isugu jira saraakiil booliis iyo ciidamo ka socda waddamo kale kuwaas oo booliiska Haiti ka caawiya la dagaalanka kooxaha rabshadaha wata ee gacanta ku haya inta badan magaalada Port-au-Prince.