Kenya oo muwaadiniinta Itoobiya ka cafisay qarashaadka ETA

0
318

Dowladda dalkani Kenya ayaa muwaadiniinta Itoobiya ee wadanka imaanaya ka cafisay bixinta qarashaad dhan 30 doollar oo laga qaado ajaaniibta doonaya in ay helaan oggolaanshaha safarrada ee casriga ah ee loo yaqaano (eTA) si ay dalka u soo galaan.
Waxaa arrinkan bogaadiyay oo dowladda dalka uga mahadceliyay safiiska Itoobiya ku matalo Kenya Ambasadoor Bacha Debele Buta.
Hasa ahaate waxaa uu muwaadiniinta Itoobiya u sheegay in ay weli qasab tahay in ay buuxiyaan foomka eTA ee online ah ka hor inta aynan waddanka imaan.