Kenya oo Maraykanka ugu baaqday fududeynta culeyska deymaha

0
254

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa dhigiisa Maraykanka Joe Biden ka codsaday in dowladiisa ay kaalin ka qaadato sidii loo fududeyn lahaa culeyska la xiriira bixinta deymaha shisheeye.
Ruto ayaa xusay in si wayn loogu baahan yahay in xukuumadda Washington ay laba jibbaarto dhaqaalaha ay siiso ururka horumarka caalamiga ee IDA ee Bangiga Adduunka.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in haddii sidan la sameeyo, dowlado badan oo hoos tago qaaradda Afrika ay raasimaalkooda si buuxda ugu qarash gelin karaan mashaariicda horumarineed maadaama ay hadda dhibaatooyin ku qabaan bixinta amaahda ay qaataan.