Waxaa maanta dalka looga dabbaal degaya maalinta qaran ee shaqaalaha.
Xuskan ayaa sanad kasta la qabtaa 1-da bisha Shanaad ee May oo maanta ku beegan.
Xuska maalinta shaqaalaha ayaa lagu qabanaya fagaaraha Uhuru Gardens ee ismaamulka Nairobi.
Waxaa lagu wadaa in madaxweynaha qaranka William Ruto uu halkaasi ka jeediyo khudbad ku saabsan waxyaabaha u qabsoomay maamulkiisa si gaar ah wanaajinta daryeelka shaqaalaha.
Sidoo kale , waxaa la filayaa inuu shaaciyo mushaar kordhin loo sameynaya shaqaalaha oo ay dowladdu ballan qaadday sanadkii hore.