Kenya ayaa ka mid ah waddamada maanta looga dabbaal degaya maalinta tubaaka la’aanta dunida ee World No Tobacco Day’.
Xoghayaha joogtada ee wasaaradda caafimaadka Susan Mochache ayaa hoggaamin doonto dabbaal degga lagu qabanaya jaamacadda Nairobi.
Waxaa sanadkan bulshada lagu wargelinaya khatarta ay leedahay isticmaalka tubaakada iyo dhaqamada shirkadaha ka ganacsado.
Sanad kasta waxaa xanuuno la xiriira isticmaalka tubaakada gudaha wadanka ugu dhinta in ka badan 8,100 kenyaan ah.
Maalin walbo waxaa tubaakada isticmaala in ka badan 220,000 oo carruur ah iyo dadka waawayn oo ay tiradoodu tahay ugu yaraan 2,737,000 .
Xubnaha hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa sanadkii 1987-dii aasaasay xuska maalinta tubaaka la’aanta dunida ka dib markii golaha WHO uu ansaxiyay qaraar uu tirsigiisu ahaa WHA40.38.
Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa laga soo xigtay in sanad kasta isticmaalka tubaakada ay caalamka ugu dhintaan in ka badan 8 milyan oo qof.