Kenya oo loogu baaqay inaynan la kala safan Israa’iil iyo Falastiin

0
528

Wasiirkii hore ee wasaaradda gaashaandhigga ee dalka Eugene Wamalwa ayaa dareenkiisa ku biiriyay isku dhacyada u dhexeya Israa’iil iyo Falastiin.
Waxaa uu maamulka madaxweyne William Ruto ugu baaqay inuu arrinkan dhexdhexaad ka noqdo oo uunan dhinacna la safan.
Wamalwa oo ah madaxa xisbiga DAP-K ayaa dhanka kale xusay in Kenya laga doonaya inay u ololeyso nabad galyada bariga dhexe.
Dowladda Kenya ayaa horay u cambaareysay weerarradii Xamaas ee Sabtidii la soo dhaafay waxayna ku tilmaantay falal argagixisannimo oo lagu bartilmaameedsaday rayidka Israa’iil taasoo sida ay qoraalka u dhigtay aan loo qiil dayi karin.