Kenya oo loo doortay madaxa la dagaalanka hubka sharci darrada ee Geeska Afrika

0
303

Dowladda Kenya ayaa loo doortay inay hoggaamiso la dagaalanka ka ganacsiga hubka yaryar iyo kuwa fudud ee sharci darrada ah ee gobollada Great Lakes iyo Geeska Afrika.
Tani ayaa timid ka dib markii ay Kenya u codeeyeen wakiillada 15 dal oo xubno ka ah xarun goboleedka hubka yaryar iyo kuwa fudud ee (RECSA).
Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Dr. Raymond Omollo ayaa sheegay in tani ay Kenya fursad u siinaysa xoojinta nabad galyada iyo amniga gobolka.
Waxaa uu magaalada Kinshasa ee Congo ka sheegay in Kenya ay ka go’an tahay inay si buuxda oo shuruud la’aan ah u taageerto geeddisocodka nabadeed ee loo igmaday inay hoggaamiso.
Xoghayaha ayaa intaasi ku daray in Kenya ay diyaar u tahay sare u qaadidda ajeendaha xarunta RECSA gaar ahaan cirib tirka iskudhacyada rabshadeysan , argagixisannimada , dembiyada abaabulan iyo dhibaatooyinka baniaadannimo ee ay kuwo cakiran ka sii dhigaan hubka yaryar iyo kuwa fudud.
Waxaa uu xusay in Kenya ay waajibaadkeeda uga soo bixi doonto qaab hoggaamineed oo wada tashi ku saleysan.
Kenya ayaa ahayd guddoomiye ku xigeenka golaha wasiirrada oo ah guddi xarunta RECSA siiya talooyinka dhanka xeerarka.
Waxaa golahan ku mideysan wasiirrada amniga gudaha ee 15-ka waddan ee RECSA.
Waddamadan ayaa hadda doonaya in Kenya ay codsi rasmi ah u dirto Midowga Afrika si hay’addan loogu aqoonsado waax gaar ah oo AU-da u qaabilsan la dagaalanka hubka yaryar iyo kuwa fudud.