Hay’adda cilmi baarista ku sameysa arrimaha xoolaha iyo beeraha ee dalka ee (KALRO) ayaa isku diyaarinaysa inay marti geliso bandhigga cuntooyinka asalka ah ee qaaradda Afrika.
Bandhiggan oo lala kaashanaya Midowga Afrika ayaa looga gol-leeyahay xoojinta suuqgeynta cuntooyinkan.
Barnaamijkan oo lagu tilmaamay midkii ugu horreeyay ee noociisa ah ee lagu qabanaya Afrika ayaa inta u dhexeysa 21-ka ilaa 26-ka bishan 11-aad ka qabsoomi doono Muguga oo ka tirsan ismaamulka Kiambu.
Waxaa bandhigga ka qayb qaadan doono waddamada Kenya Burundi, Zambia, Uganda, Itoobiya , Ghana iyo Koonfur Afrika.
Dr. Njoki Mitugo oo ka mid ah khuburrada dhanka nidaamyada cunnada ee la shaqeeya hay’adda KALRO ayaa sheegtay inay ku dadaalayaan sidii xal loogu heli lahaa caqabadda cunno yarida ee dalka iyo si guud Afrika.
Waxay intaasi ku dartay in ugu yaraan boqolkiiba 75 ee dakhliga qoysaska uu ku baxo cunto.