Agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka ee dalka Dr.Patrick Amoth ayaa sheegay in ay xaqiijiyeen kiiskii saddexaad ee furuq daanyeerka loo yaqaano Mpox ee laga diiwaangeliyay gudaha waddanka.
Tani ayaa timid ka dib markii cudur sidahan laga helay haweeney 30 sano jir ah oo ku nool Nairobi.
Dr. Amoth ayaa maanta shaaciyay in bukaanka ay dhawaan u safartay waddanka Uganda.
Waxaa uu intaasi ku daray in hadda xaaladeeda caafimaad ay wanaagsan tahay oo lagu daryeelaya qayb gaar ah.
Labadii kiis ee hore ee fayraska Mpox ayaa laga xaqiijiyay ismaamullada Taita Taveta iyo Busia waxaana laga helay wadeyaasha baabuurta xamuulka qaada.
Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa laga soo xigtay in ay ilaa iyo hadda baartay dhacaan dhan 89 oo laga eegayay cudur sidahan.
Waxaa laga waayay 79 halka 7 kale ay weli qiimeynta ku socoto.
Dr. Amoth ayaa intaasi ku daray in wasaaradda caafimaadka ay xoojisay dadaallada kormeerka iyo dabagalka ee lagu xakameynaya faafitaanka caabuqa Mpox.
Waxaa uu sheegay in baaritaano laga sameynaya meelaha waddanka laga soo galo.
Ilaa iyo hadda waxaa baaritaano maray 582,000 ruux oo socoto ama safarrey ah oo lagu baaray 26 xarumood.
Wasaaradda caafimaadka ayaa dadweynaha ku boorrinaysa in ay is dejiyaan waxayna shacabka u xaqiijisay in hannaanka caafimaadka ee waddanka si buuxda loo qalabeeyay si cudurkan loola tacaalo.
Agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka ayaa intaasi ku daray in qofkii labaad ee cudur sidahan laga helay uu caafimaaday oo isbitaalka laga saaray.
Waxaa hadda xaaladooda si dhow loola socdaa 17 qof oo la rumeysan yahay in ay la macaamileen shakhsiyaadka uu caabuqa Mpox haleelay.
Kenyaanka ayaa lagu boorriyay in ay si joogto ah gacmaha ugu dhaqdaan saabuun iyo biyo socdo ama ay isticmaalaan gacmo-nadiifiyaha loo yaqaano hand -sanitizer.
Sidoo kale, wasaaradda caafimaadka ayaa dadweynaha kula talinaysa in ay nadaafadda ku dadaalaan oo aynan si dhow ula macaamilin shakhsiyaadka muujinaya astaamaha cudur sidaha Mpox.
Shacabka ayaa lagu boorriyay in aynan wadaagin waxyaabaha shakhsiyeed sida shukumaanka , maacuunta iyo dharka.
Sidoo kale haddii aad iskaga shakiso astaamaha caabuqan sida cuncunka iyo nabraha jirka ka soo baxo waxaad tagaysa xarunta kuugu dhow ee caafimaadka si laguu baaro.
Wasaaradda ayaa ku talinaysa in laga fogaado duur joogta sidoo kalena aan la cunin hilibkooda aan la baarin.
Kenyaanka ayaa lagu boorrinaya in ay xaddidaan ama aynan u safrin dalalka laga xaqiijiyey kiisaska furuq daanyeerka Mpox sida Congo.