Kenya oo la siiyay 400 oo bilyan oo ay ku kobcinaysa dhaqaalaha

0
230

Dowladda Kenya iyo bangiga AFREXIMBANK ayaa wada saxiixday heshiis maalgelineed oo shaqeynaya Saddex sano.
Bangiga ayaa dalka ugu deeqaya lacag dhan 400 oo bilyan oo shilin.
Miisaaniyaddan ayaa loogu talagalay taageeridda barnaamijyada ay dowladda dhexe ku kobcinaysa dhaqaalaha iyadoo meel hoose laga soo billaabaya.
Waxaa saxiixidda heshiiskan Kenya ku matalayay wasiirka wasaaradda maaliyadda iyo qorsheynta qaran Prof. Njuguna Ndung’u ka dib is afgarad dhex maray isaga iyo madaxa bangiga AFREXIMBANK,Benedict Oramah.