Kenya oo Kuuriyada Koonfureed ka heshay 63 bilyan oo shilin

0
247

Dowladaha Kenya iyo Kuuriyada Koonfureed ayaa wada saxiixday heshiis dhaqaale oo ay sare ugu qaadayaan iskaashiga ka dhexeeya.
Kenya ayaa dowladda dalkaasi ka heshay amaah lacageed oo dhan 485 milyan oo doollar una dhiganta 63 bilyan oo shilin.
Lacagtan ayaa loogu talagalay in lagu maalgeliyo mashaariicda horumarineed.
30 bilyan oo amaahdan ka mid ah ayaa lagu dhaqangelin doonaa mashruuca saxaafadda casriga ah ee Konza .
Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in mashruucan uu xoojin doono baaxadda adeegyada dhijitaalka ee wadanka si dhallinyarada ay u helaan fursado shaqo oo badan.
Waxaa uu bogaadiyay Barnaamijka iskaashiga hal-abuurka dhaqaale ee Kuuriyada Koonfureed oo uu xusay inuu taageero mashruuca tikonolojiyadda ee Konza Technopolis.
Arrintan ayuu sheegay xilli ay wada hadal yeesheen isaga iyo dhigiisa Kuuriyada Koonfureed Yoon Suk Yeol oo ay isku arkeen shirka u dhexeeya dowladda dalkaasi iyo waddamada qaaradda Afrika ee lagu qabanaya magaalada Goyang ee duleedka caasimadda Seoul.
Waxaa uu madaxweyne Yoon uga mahadceliyay taageerada ay Kuuriyada Koonfureed ku bixinaysa dhisidda machadka culuunta sare ee sayniska iyo tiknolojiyadda ee (KENYA-AIST) si loo sameeyo isbeddel dhaqaale.
Madaxweyne William Ruto ayaa sheegay in dhismaha machadkan uu gabogabo ku dhow yahay sidaasi awgeedna xariga laga jari doono dabayaaqada sanadkan isagoo casuumaad rasmi ah u fidiyay dhigiisa Kuuriyada Koonfureed.
Waxaa uu muujiyay kalsooni ah in machadkan uu astaan u noqon doono iskaashiga dhanka sayniska iyo tiknolojiyadda ee Afrika iyo Kuuriya.
Intii ay wada hadalladu socdeen ayaa waxaa uu dhigiisa Kuuriyada Koonfureed ka codsaday dardargelinta heshiis dhanka shaqaaleysiinta ah oo u dhexeeya labada dowladood.
Madaxweyne William Ruto ayaa laga soo xigtay in Kenya ay daneynaysa xiriirka ganacsiga ee kala dhexeeya Kuuriyada Koonfureed.
Dhinacyada ay si wadajir ah uga shaqeynayaan waxaa ka mid ah horumarinta badaha , warshadeynta iyo wax soo saarka ku saleysan tamarta dabiiciga ah iyo kuwo kale.
Madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed Yoon Suk Yeol ayaa dhankiisa sheegay in ay ka go’an tahay sare u qaadidda xiriirka laba geesoodka ah si shacabka dalalkan ay uga faa’iidaan.
Waxaa uu intaasi ku daray in maamulkiisa u diyaar u yahay inuu Kenya garab ku siiyo horumarka tiknolojiyadeed, horumarinta kaabayaasha, biyaha iyo barnaamijyada biyo xireennada.