Kenya oo ku gacan seyrtay baaq ah in Midowga Afrika uu xiriirka u jaro Israa’iil

0
355

Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka ayaa ku gacan seyrtay baaq ka yimid barasaabka ismaamulka Kisumu Prof.Anyang’ Nyong’o’ oo ahaa in xubnaha Midowga Afrika ee ay Kenya ka mid tahay ay xiriirka u jaraan Israa’iil iyagoo ka falcelinaya xadgudubyada ka dhanka ah xuquuqul aadanaha ee ka socdo Qaza.
Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Korir Sing’Oei ayaa sheegay in Kenya aynan tallaabo noocani ah qaadin oo aynan qaadi doonin.
Bayaan uu soo dhigay barta X ayuu ku sheegay in Kenya aynan ka baaraan dageynin inay meesha ka saarto xiriirka dibloomaasiyadeed ee kala dhexeya Israa’iil.
Waxaa uu dhanka kale guddoomiyaha ismaamulka Kisumu ku dhaliilay inuu soo farageliyay siyaasad dibadeed oo ay mas’uuliyad ahaan leedahay dowladda dhexe.
Hasa ahaate waxaa uu hoosta ka xarriiqay in aan marnaba la aqbali karin xadgudubyada ka dhanka ah xeerarka caalamiga ee baniaadannimada ee laga gaysanaya Qaza.
Xoghayaha ayaa qoraal ku sheegay in Kenya ay neceb tahay ku xadgudubka xeerarka caalamiga ee baniaadannimada.
Korir Sing’Oei ayaa mar kale sheegay in dowladda Kenya ay ku baaqaysa in xabbad joojin degdeg ah ay ka dhaqan gasho Qaza sidoo kalena wada hadallo dib loo billaabo.
Waxaa uu tilmaamay inay lagama maarmaan tahay in laga wada xaajoodo xaaladaha adag ee ka taagan Qaza.
Talaadadii ayay ahayd markii barasaabka ismaamulka Kisumu uu sheegay in dagaalka u dhexeya Israa’iil iyo Xamaas ee Qaza uu yahay mid saameyn ba’an ku leh caalamka sidaasi awgeedna Midowga Afrika laga doonayo inuu garab istaag u muujiyo shacabka Qaza iyo Daanta Galbeed oo uu xiriirka u jaro Israa’iil.