Kenya oo ku biirtay machadka caalamiga ee soo saaridda tallaalka

0
462

Kenya ayaa si rasmi ah ugu biirtay machadka caalamiga ee qaabilsan soo saaridda tallaalka lagula tacaalo xanuunnada kala duwan ee (IVI) .
Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in tallaabadan ay qaranka awood u siinaysa inuu gaaro isku filnaansho la xiriirta soo saaridda tallaalka.
Heshiiska ay Kenya uga mid noqotay xubnaha machadka caalamiga ee IVI ayaa maanta lagu saxiixay xarunta dhexe ee machadkan oo ku taalla caasimadda Kuuriyada Koonfureed ee Seoul.
Waxaa munaasabadaasi lagu soo bandhigay calanka Kenya iyadoo la qaaday heesta qaranka.
Hoggaamiyaha dalka ayaa sheegay in helidda tallaalka oo fududaato ay door wayn ka qaadanaysa ka hor tagga cudurrada.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in Kenya ay casharro ka baratay caqabadihii COVID-19 si gaar ah helidda daawooyinka.
Waxaa uu ku celceliyay in maamulkiisa ay ka go’an tahay in la yareeyo ku tiirsanaanta shirkadaha dibadda ee soo saaro daawooyinka.
William Ruto ayaa laga soo xigtay in la joogo xilligii ay Afrika heli lahayd gobonnimo dhanka caafimaadka ah.
Madaxweynaha ayaa sheegay in soo saaridda tallaalka baahi wayn loo qabo wuxuuna machadka caalamiga ee IVI uga mahadceliyay inuu shaaciyay in uu xarun ka furan doono magaalada Nairobi.
Tani ayuu tilmaamay in ay dardargelin doonto qorshaha barnaamijka caafimaadka guud ee UHC.
Madaxweynaha dalka ayaa sheegay in Kenya iyo machadka IVI ay iska kaashanayaan cilmi baarista , soo saaridda iyo horumarinta tallaalka.