Madaxweynaha dalkani Kenya William Ruto ayaa waddamada xubnaha ka ah dhaqdhaqaaqa dhexdhexaadka ah ee Non-Aligned Movement(NAM) ee ku shiraya caasimadda wadanka Uganda ee Kampala ugu baaqay inay u ololeeyaan isbeddello lagu xoojinaya nabadgalyada iyo ammaanka caalamka , sinnaanta dalalka iyo ansixinta dib u habeynta hannaanka caalamiga ee maaliyadda.
Waxaa uu xubnaha daladda NAM oo ka kooban 120 waddan ku boorriyay inay hormuud u noqdaan sidii lagu xaqiijin lahaa dhaqangelinta siyaabaha iyo ballamada caalamiga ee hub ka dhigidda kooxaha hubeysan.
Waxaa uu xusay in tani ay xaqiijin doonto in qaramada midoobay iyo hay’adaha gobolka ay ku guulaystaan waxyaabo dheeraad ah oo lagu xoojinaya nabadda iyo ka hor tagga isku dhacyada.
William Ruto ayaa sheegay in waayahan ay kordheen iskudhacyada hubka la isku adeegsado , ballaarinta nukliyeerka, halista joogtada ah ee argagixisada , xagjirnimada rabshadeysan iyo caqabadaha ay ka midka tahay saameynta isbeddelka cimillada.
Hoggaamiyaha dalka ayaa carrabka ku adkeeyay in waddamada dhexdhexaadka ah ee NAM ay ka go’an tahay ilaalinta madax bannaanida iyo gobonnimada dowladaha iyo sare u qaadidda xurriyadda si loo helo kobac loo dhan yahay oo waara.
Madaxweyne William Ruto ayaa dalalka NAM kula taliyay in ay ku dadaalaan sidii looga qayb gelin lahaa madasha go’aammada lagu soo saaro iyo qaabeynta hay’adeed ee nabadgalyada caalamka , maamulka iyo nidaamka maaliyadda ee adduunka.
William Ruto ayaa sheegay in nidaamka maaliyadeed ee hadda dunida ka jiro uunan cadaalad ahayn oo ayna suurtagal tahay inay ku tagriifalaan dowlado kooban tani oo aynan dani ugu jirin waddamada kale.
Madaxweynaha Kenya ayaa sheegay in marka la qaado tallaabooyin aan loo qiil dayi karin oo sida uu hadalka u dhigay laga dheehan karo labo afleyn la xiriirta adeegsiga xeerarka caalamiga ah in ay khatar galaysa gobonnimada dalalka kale.




