Dowladda Kenya ayaa shixnad kalluun oo dhan 52 taan u iibgeysay dalka Shiinaha.
Agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha dibadda ee Shiinaha u qaabilsan arrimaha Afrika Wu Peng, ayaa sheegay in halkaasi loo dhoofiyay 52 taan oo ah nooca kalluunka ee Omena.
Bishii Lixaad ee sanadkan ayay ahayd markii Kenya ay billowday inay kalluunka gayso Shiinaha waxaana xilligaasi la dhoofiyay 315 kiilogaraam oo laga dejiyay gobolka Hunan.
Tani ayaa timid ka dib heshiis laba geesood ahaa oo ay dowladahan kala saxiixdeen bishii koowaad ee sanadkii hore.