Kenya ayaa waxaa soo food saartay xaalad halis ah oo gaajo, iyadoo sahanka Global Hunger Index 2025 uu dalka ka galay kaalinta 103-aad ee caalamka, iyadoo 36.8 boqolkiiba dadkeeda (qiyaastii 20 milyan oo qof) ay weli nafaqo darro hayso, taasoo ka dhigan heerkii ugu sarreeyay muddo 25 sano ah.
Warbixinta ayaa waxaa ay xustay in buundada Kenya ee Global Hunger Index (GHI) ay taagan tahay 25.9, iyadoo xaaladda gaajada ee dalka ku tilmaantay mid halis ah. 2025 GHI, oo ay si wada jir ah u daabaceen Concern Worldwide, Welthungerhilfe iyo Institute for International Law of Peace and Armed Conflict (IFHV), ayaa daaha ka qaadaya hoos u dhac weyn oo dhanka sugnaanta cunnada ah, iyadoo saamiga Kenyaanka ay nafaqo-xumada hayso ay kor u kacday boqolkiiba 14.6 tan iyo 2016-kii.
Intii u dhaxaysay 2000 iyo 2016, Kenya ayaa waxaa ay si joogto ah hoos ugu dhigtay heerka gaajada iyada oo loo marayo barnaamijyo nafaqayn oo la xoojiyey, adeegyada caafimaadka oo la wanaajiyey iyo ballaarinta beeraha. Horumarkan ayaa waxaa uu sahlay joojinta dhallaanka oo hoos uga dhacday 38.6 boqolkiiba ilaa 17.9 boqolkiiba halka dhimashaduna ay kala bar hoos u dhacday isla muddadaas. Si kastaba ha ahaatee, xogtii u dambaysay ayaa muujinaysa dib u noqosho murugo leh, oo tilmaamaysa cunto yarida ka sii daraysa ee dadka waaweyn inkastoo guulo laga gaaray caafimaadka carruurta.
Sahanka GHI ee 2025-ka ayaa waxaa uu dib u dhacan u sababay abaaro daba dheeraaday, qiimaha cuntada oo sarreeya iyo hoos u dhaca awoodda wax iibsiga ee qoyska. Intii u dhaxaysay 2019-kii iyo 2023-kii, Kenya ayaa waxaa soo gaaray lix xilli roobaad oo isku xiga oo guuldarraystay ama ka hooseeyay celceliska, kuwaas oo baabi’iyey wax soo saarkii dalaggii iyo xoolihii ee guud ahaan gobollada oomanaha ah.
Cadaadisyada dhaqaale ayaa sii xumeeyay helista cuntada, iyadoo sahan 2024-kii uu samayay Xafiiska Tirakoobka Qaranka ee Kenya ay muujisay in ku dhawaad mid ka mid ah saddexdii qoys ee deggan degsiimooyinka aan rasmiga ahayn uu soo sheegay in ay cunaan wax ka yar hal cunno maalintii qarashka oo kordhay awgeed. Qoysas badan ayaa sidoo kale maciin bidaya inay helaan cuntooyin ka jaban, nafaqo yar si ay u noolaadaan.
Warbixinta ayaa sidoo kale muujineysa saameynta xasilooni darada gobolka, iyadoo xustay in iskahorimaadyada waddamada deriska ah ay hakiyeen wadooyinkii ganacsiga iyo saadka raashinka ee la geyn jiray gobolada xuduuda dalka, sida Turkana, Marsabit iyo Mandheera. Kenya waxay hadda martigelisaa ku dhawaad 700,000 oo qaxooti iyo magan galyo doon ah oo ka kala yimid Soomaaliya, Itoobiya iyo Koonfurta Suudaan, taasoo sii xumaynaysa kheyraadka xaddidan ee bulshooyinka aan haysan cunno badan.
Guud ahaan waddamada Afrikada Saxaraha ka hooseeysa, toban waddan ayaa laga diiwaan geliyey heerka gaajada sare u kacday tan iyo 2016-kii, iyadoo Kenya ay ka mid tahay lix waddan oo leh heerar “aad looga naxo” ee nafaqo darrada oo ay weheliso Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, Liberia, Madagascar, Soomaaliya iyo Zambia.