Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in dowladda Kenya ay walaac ka muujinaysa dagaallada ka soo cusboonaaday wadanka Suudaan ee u dhexeya ciidamada militariga iyo xoogagga birmadka degdegga ah ee RSF.
Bayaan ka soo baxay xarunta madaxtooyada ee State House ee magaalada Nairobi ayaa lagu sheegay in madaxweyne Ruto uu dhinacyada isku haya Suudaan ugu baaqay inay khilaafkooda ku xalliyaan qaab nabad ah iyagoo u daneynaya shacabka , xasiloonida dalkaasi iyo si guud gobolka si gaar ah xilligan lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.
Hoggaamiyaha dalka ayaa hoosta ka xarriiqay in rabshadaha ka billowday Suudaan ay carqaladeynayaan horumarradii la gaaray ee dhanka nabadda iyo barwaaqada.
Kenya iyo dowladaha kale ee ka tirsan urur goboleedka IGAD ayaa sheegay inay diyaar u yihiin ka qayb qaadashada sidii loo xallin lahaa caqabadda ka jirta dalkaasi.
Madaxweyne Ruto ayaa intaasi ku daray inuu wada tashi la sameynaya madaxda gobolka iyo saaxiibbada caalamiga ah si la iskugu dayo wada hadal iyo dhexdhexaadin.
KENYA CONCERNED ABOUT THE CRISIS IN SUDAN
President @WilliamsRuto has called for a peaceful resolution to the crisis in Sudan. He said the outbreak of violence will affect the nation's stability and reverse the gains made.
— State House Kenya (@StateHouseKenya) April 15, 2023
The President further implored all parties to address any differences “through peaceful means for the sake of the security of the people of Sudan and stability in the country and the region”.
— State House Kenya (@StateHouseKenya) April 15, 2023