Kenya oo iska fogaysay in ay ku lug leedahay dagaalka Ka socda Suudaan

0
177

Kenya ayaa beenisay sheegashada ku lug lahaanshaha colaada Sudan ka socota, waxayna iska fogaysay inay hub siiso dhinacyada dagaalamaya.
Bayaan uu soo saaray Isniinta maanta ah , afhayeenka dowladda dhexe ee dalka Isaac Mwaura ayaa gaashaanka u daruuray eedeymaha loo soo jeediyay Kenya isagoo ku tilmaamay “been iyo marin-habaabin,” ka dib markii la daabacday in Kenya ay ku lug leedahay iskahorimaadka dhiigga badan ku daatay ee ka socda Suudaan.
Colaadda Suudaan oo hadda sanad ka badan soo jiitamaysay, ayaa waxay iska hor-imaaddeen ciidammada Qalabka Sida ee Suudaan (SAF) ee uu hoggaamiyo General Abdel Fattah al-Burhaan iyo kuwa Rapid Support Forces (RSF), ee uu hoggaamiyo Maxamed Xamdaan Dagalo oo loo yaqaanno Hemedti.
Loolanka awoodeed ayaa Suudaan geliyey wax ay Qaramada Midoobay ku tilmaantay dhibaatada bini’aadantinimo ee ugu xun adduunka, iyadoo ku dhawaad 25 milyan oo qof ay soo food saartay gaajo iyo barakac baahsan.
Mr Mwaura waxa uu carabka ku adkeeyay in doorka Kenya ee Suudaan uu ku qotomo dhexdhexaadin nabadeed, ee aanay ahayn faragelin.