Dalka Kenya ayaa lagu tilmaamay waddanka ugu horreeya ee waddamada ka hooseeya saxaraha Afrika ee haleelay hal-beegyada Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO gaar ahaan in xilli hore la ogaado xanuunka Qaaxada sidoo kalena lagu guulaysto daaweyntiisa.
Xanuunkan ayaa ka mid ah afarta waxyaabood ee ugu badan ee sababa dhimashada gudaha wadanka.
Xoghayaha wasaaradda caafimaadka ee Kenya Mary Muthoni, ayaa sheegtay in xanuunka laga baaray ilaa 1.2 milyan oo qof halka laga daaweeyay bukaanno gaaraya hal milyan.
Waxay intaasi ku dartay in dadaallada wasaaradda ay fududeeyeen in la badbaadiyo ilaa 500,000 oo qof oo halis ugu jiray inay u geeriyoodaan xanuunka TB-da.




