Kenya oo hoggaamin doonto dadaallada lagu xallinaya dagaallada Suudaan

0
285

Dowladda Kenya ayaa soo dhaweysay tallaabada uu urur goboleedka IGAD ugu xil saaray inay hoggaamiso dadaallada xal waara loogu raadinaya colaadda wadanka Suudaan ka taagnayd tan iyo 15-kii bishii Afaraad ee sanadkan.
Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in dowladda Kenya ay ka go’an tahay inay si fool ka fool ah ula kulanto dhinacyada ku dagaallamaya Suudaan ee kala ah ciidamada qalabka sida ee wadankaasi iyo saraakiisha gurmadka degdegga ee RSF.
Ruto ayaa carrabka ku adkeeyay in Kenya ay ku dadaali doonto sidii xal kama dambeys ah loogu heli lahaa colaadda saameysay Suudaan.
Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sidoo kale sheegay in Suudaan laga furi doono marin gargaarka baniaadannimo lagu gaarsiinaya shacabka halkaasi ku dhibaateysan.
Arrintan ayuu ka sheegay meertada 14-aad ee kulanka urur goboleedka IGAD oo shalay ka furmay dalka Jabuuti.
Waxaa barnaamijka nabadeynta ee ay IGAD ballaarisay qayb ka ah dalalka Itoobiya , Suudaanta Koonfureed iyo Suudaan.
Sidoo kale waxaa kulankaasi lagu ansixiyay in dowladda Jabuuti ay guddoomiso IGAD waxaana ku xigeen u noqonaysa Suudaanta Koonfureed.