Kenya oo hakisay qorshaha ay ciidamadeeda booliiska ku gaynaysa Haiti

0
204

Dowladda Kenya ayaa hakisay qorshihii ahaa in 1,000 ka mid ah ciidamada booliiska la geeyo dalka Haiti.
Waxaa arrinkan shaaca ka qaaday xoghayaha wasaaradda arrimaha dibadda iyo qurbajoogta Korir Sing’oei.
Waxaa uu go’aankan u cuskaday tallaabadii uu isku casilay Ra’iisul Wasaarihii Haiti, Ariel Henry.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in sidoo kale uu gebi ahaanba burburay nidaamkii maamulka iyo kala dambeynta ee dalka Haiti.