Kenya oo garab istaag u muujisay Somaliland

0
350

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay garab taagan tahay oo ay taageero u muujinaysa maamulka Somaliland ka dib dabkii xooggaana ee burburiyay suuqa wayn ee Waaheen ee magaalada Hargaysa kaas oo hanti badan ay ku baaba’day.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka ayaa bayaan ku sheegtay in Kenya ay xiriir saaxiibtinimo oo taariikhi ah ay la wadaagto Somaliland.
Qoraalka wasaaradda waxaa ku cad in Kenya ay si buuxda uga qoomamooneyso dhacdadaasi sidaas awgeedna dowladda iyo shacabkuba ay garab taagan yihiin walaalahooda Somaliland si gaar ah qoysaska ay dhibaatadu saameysay.
Dhanka kale wakiilka Midowga Afrika ee kaabayaasha horumarineed ahna madaxa xisbiga ODM Raila Odinga ayaa farriin taageero ah u diray madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabi.
Waxaa uu Odinga bulshooyinka gobolka iyo kuwa caalamka ugu baaqay inay iska kaashadaan sidii dib loogu dhisi lahaa suuqaasi.