Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa gelinkii dambe ee shalay guddoomay dukumentiga lagu faahfaahinayo dalabka wadajirka ah ee Kenya ay ku martigelineyso Koobka Qaramada Afrika ee AFCON ee sanadka 2027-ka, iyadoo ay wehliyaan dalalka dariska ah ee Uganda iyo Tanzania.
Wasiirka wasaaradda cayaaraha iyo arrimaha dhallinyarada ee dalka Ababu Namwamba iyo madaxa xiriirka kubadda cagta wadanka ee (FKF) Nick Mwendwa ayaa dukumentiga u gudbiyay madaxweyne Ruto.
Kenya iyo waddamada dariska la ah ee Tanzania iyo Uganda ayaa doonaya in sanadka 2027-ka ay martigeliyaan koobka qaramada Afrika ee AFCON .
Qorshahan oo loogu magac daray “Wadajir” ayaa saddexdan waddan doonayaan in markii ugu horreysay taariikhda in cayaaraha waddamada qaaradda Afrika lagu qabto gobolka Bariga Afrika.
Madaxweynaha dalka ayaa wasiirka cayaaraha Ababu Namwamba u xilsaaray inuu la xiriiro dhigiisa waddamada Uganda iyo Tanzania si saddexda waddan ee ku yaalla gobolka Bariga Afrika ay ugu guuleystaan martigelinta tartanka ugu weyn ee kubbada cagta ee qaaradda Afrika.
Haddii Kenya, Uganda iyo Tanzania ay ku guuleystaan qabashada tartankan, ayaa caqabadda jirta noqon karta in la hubiyo inay jiraan goobo ku filan oo lagu ciyaaro cayaaraha rasmiga ah iyo tababarka ee tartankan, maadaama kaliya dalka Tanzania uu leeyahay garoon buuxiyay heerarka tayada garoomada cayaaraha ee xiriirka kubadda cagta Afrika ee CAF.
Kenya ayaa laba jeer hore ee sanadihii 1996 iyo 2018-kii laga diiday martigelinta cayaaraha AFCON, maadaama aynan lahayn kaabayaal isboorti oo ku filan.
Today we briefed H.E President @WilliamsRuto on preparedness in our EAC Pamoja bid for the 2027 Africa Cup of Nations #AfCON; and His Excellency has officially flagged off the bid which we are presenting jointly with our EAC brotherly countries of Uganda and Tanzania #TalantaHela pic.twitter.com/pGEQbLA9gN
— Hon Ababu-Namwamba, EGH🇰🇪 (@AbabuNamwamba) May 15, 2023