Kenya oo doonaysa inay qaaxada cirib tirto 2030

0
184

Dowladda Kenya ayaa wado qorsho cudurka qaaxada looga cirib tiraya gudaha wadanka marka la gaaro sanadka 2030-ka.
Waxaa qorshahan loo maraya bixinta adeegyo ka hor tag ah , baaritaano iyo daaweyn.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo wasaaradda caafimaadka ee dalka ay shaacisay in sanadkii 2022-kii , gudaha dalka laga diiwaangeliyay kiisaska qaaxada oo gaaraya 133,000.
Waxaa warbixinta wasaaradda ku cad in 42,159 oo kiisaskan ka mid ah una dhiganta boqolkiiba 32 in aan baaritaan dhameystiran lagu sameyn.
Sanadkii ka sii horreeyay ee 2021-kii , waxaa Kenya laga diiwaangeliyay kiisaska xanuunka qaaxada oo dhan 77,854.
Waxaa arrinkan shaaca ka qaadday xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda caafimaadka ee dalka Mary Muthoni.