Kenya oo diiwaangalisay kiisas cusub oo caabuqa Mpox ah

0
381

Kenya ayaa diiwaangelisay sagaal kiis oo cusub oo caabuqa Mpox ah, taasoo tirada guud ee qaranka ka dhigeysa 137 xaaladooda.
Sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka, kiisaska Mpox waxaa laga diiwaangaliyay Busia (48), Mombasa (37), Nakuru (16), Makueni (10), Nairobi (5), Kajiado (3), Bungoma (3), Taita Taveta (2), Kericho (2), Kilifi (2), Kiambu (1), Uasin Gishu (1), Migori (1), Machaolos (2) (1), Isigakos (2)
Xoghayaha Guud ee Caafimaadka Dadweynaha Mary Muthoni, ayaa shaaca ka qaaday in wadar ahaan 400 oo qof qiimeyn caafimaad lagu sameeyay Kuwaas,oo sagaal ka mid ah laga helay Mpox.
Sidoo kale, in ka badan 4.8 milyan oo qof oo socdaal ahaa ayaa lagu baaray goobaha laga soo galo ee Kenya .
Si loo dardargeliyo wax ka qabashada cudurka ka dilaacay meelaha ay dhibaatadu saameysey, Wasaaraddu, iyada oo kaashanaysa Gobollada iyo la-hawlgalayaasha, ayaa ku dhawaaqday in la xoojiyay ilaalinta kiisaska la diiwaangaliyay.